Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyey waxa dhici kara 7-da Febraayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxadxweynihii hore ee Soomaaliya, Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ka tirsan Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujiyey waxa dhici kara 7-da Febraayo, marka la qabto shirka shidaalka Soomaaliya ee London.

Xasan Sheekh, ayaa isaga oo fasiraya walaaca uu ka qabo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u wajaheyso shidaalka Soomaaliya, waxa uu sheegay in aysan hadda Soomaaliya u diyaarsaneyn ka faa’iideysiga shidaalkeeda.

“Maanta lama gaarin wali maalintii aan sameyn lahayn shaqada Landhan loogu balansan yahay” ayuu yiri Xasan Sh. Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Kalfadhi oo ka hadasha arrimaha Baarlamaanka.

Dowladda Somaliya ayaa beenisay in Shirka London lagu iibgeynaayo Shidaalka Somaliya, balse Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Shirkadaha Shidaal qodista qaabilsan qaarkood bogaga Internetka ay ku leeyihiin ay ku soo bandhigeen arrintaasi.

“Waa run in ay dowladdu sheegtay ineyan waxaas jirin, laakiin hay’adihii caalamka ee shaqada qabanayey ee marti qaadka sameeyey ayey website-yadooda ku jirtaa” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka jawaabaya diidmada dowladda ee ah ineysan beec-geyn shidaalka Soomaaliya, ku yiri Kalfadhi. “Waa (public) iska caddahay in konton (50) balook oo dhulka ka mid ah la iibinayo” ayuu hadalkiisa raaciyey.

“Anagu in Soomaaliya shidaal laga soo saaro kama soo horjeedno, laakiin uma diyaarsanin oo waa nala dilaa” ayuu yiri Xasan. “Ama dadka Soomaaliyeed hantidaan ay leeyihiin oo uu Illaahey siiyaa la dhacaa, oo dad ajnabi ahaa dhacaa, oo aan laga celin kari doonin berri ama anaga dhexdeenaa isku dirireyna” ayuu yiri Hogaamiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sh. Maxamuud.

“Waxa uu leeyahay batroolku nidaam caalamiya, oo aduunyada dalalka batroolka leh oo dhan ay ku dhaqmaan” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Kuwa si fiican ugu dhaqmana wey ka faa’iideyn, kuwa si fiican ugu dhaqmi waayana dhib iyo colaad iyo burbur hor leh ayey ka qaadeen” ayuu hadalkiisa raaciyey.

“Anagu marka welwelka aan qabnaa waa labadaas” ayuu kusii daray warkiisa. Waxa uu sheegay in shirkad si caalamiya loola galay hishiis ay adkaan karto in looga baxo ama wax laga beddelo hishiiskii lala galay, hase ahaatee loo baahan yahay in hishiisyada arrintaas la xiriira laga fiirsado inta aan la gelin ka hor.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this