Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro+Ceeb ka dhalatay qorshe Kenya laga soo min guuriyey oo la soo dhigay bogga Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceeb ka dhalatay qorshe Kenya laga soo min guuriyey oo la soo dhigay bogga Villa Somalia

Qeybta English-ka website-ka Villa Somalia www.villasomalia.gov.so/en, ayaa lasoo dhigay sawir iyo qoraal isla socda, oo markii dambe laga saaray, kaasi laga soo min guuriyey madaxtooyada Kenya.

Qoraalka iyo sawirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, balse waxa uu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Uhuru Kenyatta oo lasoo min guuriyey, isaga oo anan hal erey laga bedelin.

Dadka qaar ayaa arrintan ku macneeyey inay caddeyn u tahay in madaxweynaha uusan lahayn qorshe dhab ah, halka kuwa kalena ay sheegeen in arrintan ay ahayd un qalad ay sameeyeen qeybta warfaafinta madaxtooyada.

Arrintan ayaa dhalisay cadho iyo maadeys ay Soomaalida aad uga hadal hayaan baraha bulshada.

Iska eeg labad qoraal ee Farmaajo iyo Kenyatta. Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia.

WhatsApp-Image-2019-02-01-at-3.21.46-AM.Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada www.president.go.keku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”,kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara.

Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta.

WhatsApp-Image-2019-02-01-at-3.21.47-AM.Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale.

Sidaas darteed waxaa muuqata in arrintan ay tahay mid uusan madaxwenaha waxba ka ogeyn.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this