Sign in to follow this  
Deeq A.

Raage Oomaar oo aamini waayey Jeneraalka noqday taliyaha cusub ee Amisom

Recommended Posts

Deeq A.   

Raage Oomaar oo aamini waayey Jeneraalka noqday taliyaha cusub ee Amisom

Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018.

Munaasabad ay labada Jeneraal xilka kula kala wareegeen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Caetano Madeira.

Jeneral Tigabu ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad 34 sano oo dhinaca milatariga dalka Itoobiya ah.

Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar oo ka fal-celiyey magacaabistan ayaa aamini waayey in Itoobiya oo la ogyahay wixii ayada iyo Soomaaliya dhex maray ay hadda la wareegto talada ciidamada Amisom.

Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu ku yiri “Waaw, bal daqiiqad ka fakar…Jeneral Itoobiyaan ah ayaa iminka madax ka ah ciidamada caalamiga ah ee Afrika ee Soomaaliya – Ciidamada milatariga ee ah ilaaliyaha kama dambeysta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qayrul caadi”

cQtBVct2_normal.jpg

Rageh Omaar

✔@ragehomaar

Wow!! – take a moment to think about this….an #Ethiopian general is now in charge of the internationally mandated African military force in #Somalia – the military force which is the ultimate protector of the Federal Government of Somalia. Extraordinary

Emmanuel Igunza

✔

Let Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn from #Ethiopia has taken over as the new Force commander of @amisomsomalia #Somalia #Ethiopia.

View image on Twitter

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this