Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Ka Baxay Heshiiska Xakameynta Hubka Nuclear-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska tobanaanka sano jira ee xakameynta hubka Nuclear-ka ee ay kula jirtay Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in laga bilaabayo labada Febraayo, Washington ay hakin doonto u hogaansaminta heshiiska xakameynta hubka nuclear-ka ee riddada dhexe, loona yaqaan INF.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbeen qodobada heshiiskan oo soo jiray tan iyo dagaalkii qaboobaa. Ruushka waa ay beeniyeen eedeymaha Mareykanka.

Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey dunida ee xakameynta hubka, wuxuuna mamnuucayaa qeyb ka mid ah hubka nuclear-ka oo ah midka gaara ilaa 5,500 oo km.

Pompeo ayaa weriyayaasha ugu sheegay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda, in Mareykanka uu si rasmi ah ogeysiiskan ugu gudbin doono Ruushka lix bilood kadib, haddii aysan dib ugu soo laaban u hogaansaminta qodobada heshiiska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this