Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Ciidamadii Ugu Badnaa U Dirtay Deegaano Ay Ku Dagaalamayaan Shabaab Iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka baxay magaalada Boosaaso ay ku wajahan yihiin deegaanada buuraleyda ah, halkaasoo ay ku dagaalamayaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada Puntland ayaa ku wajahan deegaanka Ceelka Miiraale iyo deegaanada kale ee Buuraleyda Golis oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaalamayeen Al-Shabaab iyo Daacish.

Xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weli ka taagan Buuraha Golis iyo Calmadow, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay dagaalo goos goos ku dhex marayay deegaanada qaar.

Labada dhinac ayaa isku haya awoodda Buuraha Gobolka Bari, waxaana la sheegayaa in dagaaladii u dambeeyay ee dhex maray uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this