Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Maamulka Sh/hoose Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ka Socda Gobolkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ciidamada DFS Soomaaliya maalmahan dambe ka wadeen degmada Afgooye iyo deegaano ka mid ah gobolkaasi.

Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi oo u warammay Goobjoog  ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmadaasi kusoo qabteen dad lala xiriirnayo Al-shabaab.

Dadka la qabtay ayuu sheegay in lagu hayo baaritaan, islamarkaana wixii dambi ku cadaada maxkamad ay horgeyn doonaan.

Guddoomiye Barre ayaa dhanka kale sheegay in xubno Al-shabaab ah ay maalmihii ugu dambeeyey soo galeen gudaha degmada Afgooye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/GUDOOMIYAHA-SHABEELLAHA-HOOSE-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this