Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo Hay’adaha gargaarka kala hadashay kordhinta howlaha samafalka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kadib markii ay sii kordheen cabsida laga qabo xaaladaha bani’aadanimo ee kajira dalka ayaa wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya shir isugu yeertay hay’adaha samafalka,kaasi oo looga hadlayay arrimo la xiriira howlaha gargaarka dalka iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani,aadanimo ee dalka ka jira.

Mas’uuliyiinta wasaarddda Gar Gaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkan isugu yeeray dhamaan hay’adaha gar gaarka ee k a howlgala dalka,waxaana ay isla garteen sidii loo kordhin lahaa howlaha gargaar ee Soomaaliya,si loo bad baadiyo nolosha dad badan,lagana hortago dhibaato kasta oo ka dhalankarta xaaladaha bani’aadanimo.

Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Xamsa Siciid Xamsa oo shirkaasi kadib warbaahinta lahadlay wuxuuna faah faahiyay waxyaabihii shirkaasi looga hadlay.

“Shirkan wuxuu ku saabsanaa xaaladaha bani’aadanimo ee dalka kajira,waxaan la kulanay hay’adaha samafalka ee dalka ka howlgala,waxyaabaha aan diiradda ku saarnay ayaa ah sidii hay’adahaasi ay u kordhin lahaayeen howlaha samafalka ay dalka ka wadaan,si looga hortago dhibaatooyinka bani’aadanimo,islamarkaana loo badbaadiyo nolosha bulsho badan”. Ayuu yiri Wasiir Xamza.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii looga gaashaaman lahaa waxyaabaha keena dhibaatooyinka abaaraha ee soo laa laabta iyo sidii bulshada dhibaataysan looga caawin lahaa in ay helaan biyo daryeel nololeed.

The post XFS Oo Hay’adaha gargaarka kala hadashay kordhinta howlaha samafalka dalka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this