Deeq A. Posted February 2, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xoogan oo xalay fiidkii hore ka kacay Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dabka ayaa ka kacay Guryo ku yaalla gudaha Bakaaraha, isagoona ku fiday qeybo badan oo ka mid ah Suuqaasi. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxa sababay Dabkan, waxaana uu khasaare ka soo gaaray illaa 4 goobood oo Ganacsi ah. Gawaarida Dab Damiska maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadda Hormuud ayaa markii dambe ku guuleystay daminta Dabkaasi. Waa markii labaad oo uu Dab ka kacayo Suuqa Bakaaraha 2 bil oo isku xigta, iyadoona uu khasaare ka soo gaaray gubashadaasi Ganasactada wax ku iibiya suuqaasi The post Faah faahinno ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites