Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo kormeeray Xeryo ku yaalla Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Galmudug ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo wasiirka amniga maamulkaasi ayaa saacadihii la soo dhaafay kormeer ku tagay Xeryo Ciidan oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa halkaasi kula hadlay Ciidamo cusub oo lagu tababarayo Xeryahaasi, waxaana uu kula dardarmay in ay ka faa’iideystaan tababarkaasi oo ay bixinayaan Saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Cadaan ah.

Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay in looga baahan yahay in ay door weyn ka qaataan sugida ammaanka deegaanada maamulka Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf waxa uu ku sugnaa Gaalkacyo, isagoona kulamo ka waday gudaha magaaladaasi.

The post Xaaf oo kormeeray Xeryo ku yaalla Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this