Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Ciyaaraha Oo baaq u dirtay M/ Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Axmed Islow ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dalka in ay  dardar galiyaan kaalinta ay ku leeyihiin tartamada ciyaaraha.

Axmed Islow ayaa tilmaamay in haatan ay hooseyso wada shaqeynta ay dowlad goboleedyadu la leeyihiin maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in gobolka Banaadir howl muhiim ah uu ka wado magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray dadaallo xoogan oo loogu jiro sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha dalka , gaar ahaan dhanka kubadda cagta.

The post Wasaaradda Ciyaaraha Oo baaq u dirtay M/ Goboleedyada appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this