Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan Oo ka dhacay degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday fariisin Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay qaraxaasi, welow aan weli la xaqiijin inta uu la’egyahay.

Dhinaca kale Al Shababaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxaana ay tilmaameen in ay ku dileen illaa 16 Askari, sida ay ku baahiyeen bartooda Internet-ka

Illaa iyo haddda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Baardheere oo ku aadan weerarkaasi.

Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha.

The post Qarax xoogan Oo ka dhacay degmada Baardheere appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this