Deeq A. Posted February 2, 2019 Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliso marwadiisa Drs Hodan Siciid Ciise ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda xarunta dalka Kenya ee Nairobi. Mudane Gaas iyo marwadiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku sii saagootiyay qaar kamid ah wasiiradii ay soo wada-shaqeeyeen, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Garoowe. Dr Cabdiweli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka ka hor inta uusan dhoofin ayaa shacab weynaha reer Puntland ugu baaqay in ay si buuxda u garab istaagan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Deni islamarkaana ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda. Waa safarkii ugu horreeyay ee mudane Gaas uu dalka uga baxo tan iyo markii uu xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortay 8-dii bishii hore ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Madaxweynihi hore Cabdiweli Gaas oo ka dhoofay Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites