Deeq A. Posted February 2, 2019 Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta ku dhawaaqay qaar kamid ah Golaha Wasiirada maamulkaas. Golaha Wasiirada ee ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka kooban toban (10) Wasiir oo kala ah. Axmed Madow Nuunow, Wasiirka Qorsheynta Iskaashiga iyo Maalgashiga Axmed Maxamed Xasan, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Abukar Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose. Isaaq Cali Subuk, Wasiirka Amniga Gudaha. Mustaf Cali Iidow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Faysal Cabdullaahi Cali, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Cusmaan Malaq, Wasiirka Waxbarashada Cabdiqani Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Axmed Sheekh Maxamed Luux (Mashruuc), Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Maxamed Cali Xuseen, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya loo doortay 19-kii bishii December ee sanadkii hore. PUNTLAND POST The post Lafta-gareen oo ku dhawaaqay 10 Wasiir appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites