Deeq A. Posted February 2, 2019 Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa shirweynahooda sanadlaha ah waxuu uga furmaya dalka Tanzaniya, waxaana halkaasi ka socoto qabanqaabadda Abaabulka shirka. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf ka dhex taagan qaar ka mid ah dalalka bariga Sidda Burundi iyo Rwanda. Shirka ayaa la qorsheeyay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay balse labo mar ayaa dib loo dhigay kaddib markii dowladda Burundi ay qaadacday. Burundi ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dalka Rwanda uu yahay cadaw, ayadoo Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jirdil iyo tarxiil lagulo kaco muwaadiniinteeda u safraya dalka Uganda. Dalka Rwanda ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan uusan kala dhexeynin wadanka deriska la ah ee Uganda. Dhammaan madaxweynayaasha dalalka bariga Afrika ee ka mid ka ah ururkaan ayaanan ka qeybgalaynin shirkan ka dhacaya magaalada waqooyi ee Carusha ee dalkasi Tanzania. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites