Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xariga Anthony COX iyo xurgufta u dhaxeysa DF Somalia iyo shirkada SKA?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada UK ayaa dhowaan walaac ka muujisay xaalada ninka u dhashay dalkaasi Anthony Cox oo 19kii bishan lagu qabtay madaarka Muqdisho, isagoo la sheegay inuu sitay waxyaabaha qarxa oo uu doonayey inuu  la raaco diyaarada Ethiopian Airlines.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in boorsoonyinkiisa ninkan laga helay [sunta dadka ka ilmeysiisa], waxaana weli socda baaritaanka iyadoo maxkamada gobalka Banadir ay xukuntay in xabsiga lagu sii hayo ninkan inta uu baaritaanka socdo.

Cox oo horey uga soo tirsanaan jiray ciidamada Ingiriiska iyo waliba ciidamada Faransiiska ayaa ka tirsan kooxda Amniga u qaabilsan shirkada SKA ee fadhigeedu yahay Dubai, shaqadaasi oo uu ka tagay sida shirkadaasi sheegtay 5tii bishan Janaayo.

Shirkada SKA

Hase yeeshee qaar kamid ah Asxaabta ay wada shaqeyn jireen COX oo warbaahinta UK soo xiganeyso ayaa xariga ninkan sheegay inuu jiro tuhun weyn ah inuu la xariiro xurgufta u dhaxeysa Shirkada SKA International Group iyo Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Federaalka oo horey u wada shaqeyn jiray, kuwaasi oo uu burburay wadashaqeyntooda bishii April ee sanadkii hore.

SKA ayaa Muqdisho ku leh xafiis lagu magacaabo Somali Risk Management (SRM) oo qaabilsan tababarada dhinaca ciidamada iyo sugida amniga, wuxuuna Mr.Cox kamid ahaa xafiiskaasi.

Wadashaqeynta SKA iyo dowlada Federaalka ayaa burburay xiligii ay jirtay xiisadii Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, bishii April ayey dowlada Soomaaliya sheegtay inay lacag badan oo laga keenay Imaaraatiga ku qabatay Madaarka Muqdisho, lacagtaasi oo ay sheegeen imaaraatigu in loo waday mushaharkii ay ku kabi jireen militariga Soomaaliya.

Saraakiisha UK u jooga Muqdisho oo booqday xabsiga lagu hayo Mr.Cox ayaa walaac ka muujiyey amnigiisa inta lagu hayo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay sidoo kale ku xiran yiiin kooxo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish.

Taliska Asluubta ayaa iyagu todobaadkan beeniyey in dhaawac loo geystay Mr.Cox oo ay damceen inay dilaan koox ka tirsan Daacish oo kamid ah maxaabiista lagu hayo xabsiga, balse askarta ayaa la sheegay inay ka hortageen kooxdaasi dooneysay inay xabsiga ku dhex dilaan ninkaasi ajnabiga ah.

Cox ayaa hadda laga wareejiyey xabsiga dhexe, waxaana loo wareejiyey xabsi ku yaalla garoonka. Halkan ka aqri warkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this