Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ciidamadii ugu badnaa u dirtay deegaanada Al Shabaab iyo Daacish ku dagaalamayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe(Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in maamulka Puntland ciidamadii ugu badnaa u diray deegaanada ay ku dagaalamayaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

Cabsi xoogan ayaa Puntland kasoo wajahday deegaanada buuraha ah ee ay ku dagaalamayaan AL Shabaab iyo Daacish, waxaana laga baqayaa haddii labada koox midkood adkaado inay kusoo duuli karaan Puntland.

Ciidamada ugu badan ayaa ka baxay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada Buuraha ah ee ay ku dagaalamayaan labada koox, si ay dhinac seddexaad ugu noqdaan dagaalada socdo.

Deegaanka Miraale oo qiyaastii 70 KM u jira magaalada Boosaaso ayay ciidamada marka hore gaari doonaan, si marka xigta ay kooxaha hubeysan ugula dagaalamaan buuraha Golis ee gobolka Bari.

Al Shabaab iyo Daacish ayaa isku haya awooda buuraha Golis iyo Calmadow, waxaana jirta baqdin cusub oo Puntland kasoo wajahday deegaanada buuraha oo labada dhinac ay isku hayaan awooda maamul ee Buuraha.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caqabad cusub la kulmi kara haddii ciidamada Puntland aysan awood u yeelan maamulka deegaanada buuraha ee Golis ee Calmadow.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this