Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Al Shabaab oo weerar ismiidaamin ah la eegtay ciidamada Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa lala eegtay ciidamada dowladda Ethiopia ee kusugan agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere, sida Al Shabaab ay baahiyeen.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay waaberigii saaka maqleen dhawaqa qarax xoogan oo ahaa mid lala eegtay xero ciidamada Ethiopia ku sugnaayeen oo ku taala degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana la sheegay in lagu dilay askar gaareysa 16 askari, kuwaasi oo kamid ah ciidamada dowladda Ethiopia ee kusugan degmada Baardheere.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere, macluumaadka hordhaca ah ee aan helayno waxay sheegayaan in dhimashada cadowga gaartay ay tahay 16 askari” ayaa lagu yiri  Al Shabaab warka kasoo baxay.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday gaari NOAH ah, kaasi oo la sheegay inuu ku geeriyooday ruuxii waday oo kaliya, waxaana saraakiil u hadashay ay beeniyeen in weerarka lala eegtay ciidamada Ethiopia.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this