Deeq A. Posted February 1, 2019 Muqdisho ( Sh.M.Network):-Waxaa Caawa mar kale Dab xoogan uu ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha sida ay ku soo warramayaan Goob Joogayaal. Dabka ayaa la sheegay in uu yahay mid xoogan iyadoo durba ay gaareen aaga dabku kacay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka dowladda Soomaalia oo hakad galiyay dhaqdhaqaaqii suuqa si ay uga hortagaan falal dhac iyo boob isugu jira ee ku aadan Dabkaasi. Gaadiidka Dab Damiska Hormuud iyo kuwa mmaamulka Gobolka Banaadir ayaa ku sii qul qulaya Gudaha Suuqa. Waxaana la tilmaamayaa in dabku yahay mid aad u xoogan oo ku sii fidaya qeybo badan oo suuqa ka mid ah. Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com. The post Dab Caawa mar kale ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha. appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites