Deeq A. Posted February 1, 2019 Baraawe (Sh.M.Network) – Xiisad ayaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taasi oo la tilmaamay inay caqabad ku noqotay dhaqdhaqaaqyadii degmada. Dibad-baxyo ballaaran oo ka dhashay xiisada ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada, kuwaasi oo looga soo horjeedo maamulka degmada Baraawe, laguna dalbanayo isbedal. Waxyaabaha ay dadka ka cabanayaa waxaa kamid ah amni xumo iyo gacan-bidaxeynta Beelaha qaar, sida ay ka dhawaajiyeen qaar kamid ah Odayaasha oo lasoo xiriiray idaacada Shabelle. Nabadoon Cabdi Maxamuud Sabriye oo kamid ah Wax-garadka degmada ayaa ku dhaliilay gudoomiyaha degmadaasi inuu ku guuldareystay lalashaqaynta waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka. Sikastaba, maalmo kahor ayay ahayd markii Gudoomiyaha Baraawe oo la hadlay Shabelle uu tibaaxay in Odayaasha ay abaabuleen shaqaaqooyin uu xusay inay dabada ka riixayaan ciidamo hakad geliyay dhismo ku socday garoonka diyaaradaha degmada. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/DD.mp3 The post Xiisad xoogan oo wali ka taagan degmada Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites