Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa: Booliska Somaliland oo nin shicib ah madaxa kaga toogtay gurigiisa hortiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

0_IMG-20190201-WA0000-1-169x300.jpg
0_IMG-20190201-WA0001-169x300.jpg

Ciidanka Booliska ayaa maanta si fool xun toogasho ugu dilay nin shicib ah ninkaasi oo ku sugnaa barxada dibada ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Qudhac dheer ee Maxamuud Haybe Ex- Giryasamo.

Ma cada sababta uu askarigani u toogtay ninkaasi shicibka ah oo si buuxda gacanta Booliska ugu jiray xiligan uu dilku dhacay.

Hase ahaatee dad goob joog ah ayaa sheegay in askarigani uu ninkaasi Ka soo qabtay guriisa oo uu dabadeedna ku toogtay  gurigaga dibadiisa waxana ay dadkii goobjooga ahaa sheegayaan oo kale in askarigani sitay warqad qabasho ah oo maxkamadeed, is af dhaaf askarigani iyo marxuumkaasi dhex marayna uu askarigu u dadajiyay rasaas oo uu qudha Ka jaray.

Ilaa hada saraakiishii ciidanka Booliska ee saxaafadana hor imanjirtay marka Booliska wax Laga sheego kama ay hadal dilkani.

Marxuumka la dilay ayaa Ka soo jeeda galbeedka Burco ama bariga Hargeysa, sida ay sheegeen dadkii badnaa we goobtaasi isugu soo baxay oo ka gadooday dilkaasi arxandarada ahaa ee aan wakigeed goobtaasi hore uga dhicine.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this