Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Duqayn Ku Xasuuqay Dad Shacab Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Washington)War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay badhtamaha Soomaaliya maalintii Arbacadda aheyd waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanka Shabeelley oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

83E254F7-FD92-406F-8572-F3D42FB2CBBD.jpe

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka.

24 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this