Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Tageerayso Doorashada Golaha Wakiilada Haddii Wakhtigeeda Lagu Qabanaayo.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-London) Dawladda UK, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in UKJ horseed ka tahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.

11D390D1-9224-4D09-B9DC-A22E10E8DD44.jpe

Wasiirul dawlaha UK u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka UK Salaasadii ku weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo taageera qaddiyadda Somaliland, taas oo nuxur ahaan ahayd taageerada uu UK ka gaysanayso doorashada golaha wakiilada iyo in la damaanad qaadi karo in doorashadu dhacayso sannadkan 2019.

Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Dawladda Ingiriiska, weli waxa ka go’an in ay taageerto doorashada muddaysan ee Somaliland”

“Waxa aanu hormuud u nahay farriinta heerkeedu sarreeyo ee beesha caalamka, iyo in aanu sanduuqa xiisadaha, ammaanka iyo xasiloonida ee (CSSF), kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta codbixiyaha, khibradaha farsamo ee guddiga doorashooyinka qaranka iyo in dumarku ka qayb qaataan doorashooyinka.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this