Deeq A. Posted February 1, 2019 Qandala (Sh.M.Network) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qandala ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ku dhex maray Al-Shabaab iyo Daacish degaannada Dharaar iyo Miraale oo dhamaantooda hoostaga gobolka Bari. Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ka dhacay degaannadaasi uu jab xooggan kasoo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen xubno badan. Daacish oo gacanta ku heysay degaannada lagu dagaallamay ayaa la sheegay in ay haatan ay kala wareegeen xarakada Al-Shabaab, inakasta ay weli is hor fadhiyaan labada garab. Dhawaan ayay ahayd markii ay Daacish qaadashada Hubka ka joojisay Dadka ku nool Qandala iyo degaannada hoos-yimaada, iyada oo baqdin qabta in ay ku soo dhuuntaan xubnaha taabacsan Al-Shabaab ee dagaalka kala dhaxeeya . Dagaalka u dhexeeya kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa in dhowaanahanba uu ka soconayay dagaalkooda degaannada ay ku sugan yihiin, iyagoo iska dilay labada dhinac xubno muhiim ah . The post Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay G/Bari appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites