Deeq A. Posted February 1, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Isgaarsiinta ee xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo uwaramay TV-ga dowlada ayaa ka hadlay tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah shirkadaha Isgaarsiinta dalka. Mr Canshuur ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin in ay kala hadlaan shirkadaha wax kasta oo ku saabsan sharciga oo ay tabasho ka qabaan, isaga oo carabka ku dhuftay inay kalsooni buuxda ka qabaan in la xaliyo. Dhinaca kale, Wasiir Canshuur oo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu carabaabay in loo baahan yahay wadashaynta dhamaan shirkadahaasi si uu u dhaqan-galo sharciga Isgaarsiinta qaranka. Sharciga Isgaarsiinta qaranka ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya cod-aqlabiyad leh waxay ku meel-mariyeen sanadkii 2017-dii kadib dadaal ay xukuumada Soomaaliya ugashay in la ansixiyo Hindisa sharciyeedkaasi. The post XFS oo ka hadashay tabashada shirkadaha Isgaarsiinta appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites