Deeq A. Posted February 1, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Francisco Caetano Madeira, wakiilka midowga Afrika uqaabilsan Soomaaliya ayaa ku tartarsiiyay taliyaha cusub ee AMISOM inuu dar-dargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Tigabu Yilma Wondimhunegn, taliyaha cusub ee howlgalka AMISOM oo xilka la wareegay shalay oo Khamiis ahayd kadib xaflada ka qabsoontay fadhigooda Muqdisho ayaa bedalay Jim Beesigye Owoyesigire. Mr Madeira oo hoosta ka xariiqay in khatarta Al-Shabaab ay wali taagan yahay looga fadhiyo hogaanka cusub ee ciidamada nabad-illaalinta inuu dar-dargeliyo sidii looga saari lahaa goobaha ay gacanta ku hayso kahor inta aysan dalka ka bixin. Ciidamada AU-da ayaa lagu wadaa inay dalka ka hayaamaan dabaqaayada sanadka 2021-ka, iyada oo wixii intaasi ka badan amaanka guud ee wadanka lagu wareejinayo ciidamada xooga Soomaliyeed. The post Taliyaha cusub ee howlgalka AMISOM oo baaq loo diray appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites