Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo sii deysay dad loo xiray weerarkii DusitD2

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Maxkamada magaalada Nyeri ee dalka Kenya ayaa sii deysay saddex ruux oo looga shakiyay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaadey Hotel-ka DusitD2 ee magaalada Nairobi, bishii hore.

Saddexda ruux oo mid kamid ah ay tahay Haweeney Soomaali ah oo magaceeda lagu sheegay Xabiibo Geedi Canshuur ayaa sii daysmadooda waxay ka dambeysay markii lagu waayay wax dambi ah.

Magacyada labada qof ee kale ee dib loo siiyay xorriyadooda ayaa kala ah; Abdul Kibiringi iyo James Mwai Mwangi, kuwaasi oo Keyaan ah.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Hoteelka DusitD2 oo ay Al-Shabaab sheegatay kaasi oo lagu dilay ku dhowaad 21 ruux, laamaha amaanka Kenya waxay soo qab-qabteen tobaneeyo dad ah oo lagu tuhmayo ku lug-lahaashiyaha duulaankaasi.

Dadkaan ay maxkamada amartay in lasii daayo ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay, maadaama horey xorriyadoodu loogu celiyay shaqsiyaad kale markii dambi lagu waayey, iyada oo kuwa kelana ay xabsiyada ku jiraan.

The post Kenya oo sii deysay dad loo xiray weerarkii DusitD2 appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this