Deeq A. Posted February 1, 2019 Galkacayo (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa uu kula kulmay magaalada Galkacayo Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka. Xaaf ayaa kala hadlay dhinacyada sida ay muhiim u tahay in ay ka qayb-qaataan dadaalada lagu xoojinayo nabada iyo amaanka, isaga oo hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu door muuqato ka siinayo arrinkaasi. Dhinaca kale, Madaxwaynaha ayaa xarunta gobolka Mudug shir gaar ah kula yeeshay taliyaha Booliska Soomaaliya, Baashiir Cabdi Maxamed, kaasi oo ay kawada hadleen doorka ciidamada ee dib u soo celinta xasiloona. Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday taageerada dowlada Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay ufidiso Booliska maamul goboleedka Galmudug, iyaga oo isla meel-dhigay qodobadii ay kawada hadleen. Sikastaba, Madaxwayne Xaaf oo la filayo inuu labada cisho ee soo aadan kusii sugnaado Galkacayo wuxuu sii wadi doonaa kulamada uu kula yeenayo magaalada dhinacyo kala gedisan oo uu kala hadli doono qodobo dhowr ah. The post Madaxwaynaha Galmudug oo kulamo kawada Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites