Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo gaadiid dhuxul sida ku gubay duleedka Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Ku dhowaad 9 gaari oo nooca xamuulka oo ay ku rar-nayeen Dhuxul ayaa lagu waramayaa in ay Al-Shabaab ku gubtay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaadiidkaan oo ay lahaayeen ganacsato kuna soo wajahanaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa la sheegayaa inay xarakada Al-Shabaab ka qabatay degaanka Doonka oo 7 KM ujira degmada Afgooye.

Wali ma jiro mas’uul ka tirsan maamulka degmada ama gobolka oo dhacdadaan ka hadlay balse waxay kusoo beegmaysaa xili ay AlShabaab horey uga digtay ka ganacsiga Dhuxusha oo gobolka si wayn looga iib-keeno.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Al-Shabaab.mp3

The post Al-Shabaab oo gaadiid dhuxul sida ku gubay duleedka Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this