Sign in to follow this  
Deeq A.

War cusub oo kasoo baxay dagaalka Shabaab iyo ISIS

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya Daacish iyo Al Shabaab oo ka dhacay deegaanada Buuralayda ee gobolka Bari, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay dhexmarayay Al Shabaab iyo Daacish.

Dagaalka ayaa salka ku haya qorshe Al Shabaab damacsan yihiin oo ah inay Daacish ka saaraan deegaanada  Buuraha ah ee Bari, iyaga oo ka hor jeeda in Daacish ay yeelato awood ay Al Shabaab kula dagaalanto mustaqbalka.

Dagaalka Xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Miraale oo qiyaastii 70 Km u jira magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana laga baqayaa in dagaalka buuraha ku faafo deegaanada kale ee Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay ilaa waaberigii saaka dagaal uu ka dhacay deegaanka, waxaana marar qaar hadda la sheegayaa in dagaal goosgoos ah uu ka dhacayo deegaan kale oo ku dhow Miraale.

18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee uu daagalku ka dhacay, kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay doonayaan inay Daacish kala wareegaan deegaanada Buuraha oo inta badan ay labada dhinac ka dagaalamaan, waxaana jirta cabsi xoogan oo dadka deegaanka soo foodsaartay.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this