Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Bashir oo la kulmay saraakiisha amniga Galkacayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Galkacayo (Sh.M.Network) – Taliyaha Booliska Soomaaliya, Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug.

Hogaanka hay’addaha amniga ee halkaasi ujooga maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu Taliyuhu shir gaar ah la yeeshay.

Taliye Bashiir ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha iyo fadhiyada ciidanka looliska ay ku leeyihiin magaaladda Gaalkacyo.

Isaga oo warbaahinta la hadlay ayuu taliyuhu shaaciyay in ujeedka safarkiisu qayb ka yahay dadaalada lagu xoojinayo wadashaynta Booliska DFS iyo dowlad goboleedyadda.

Ugu dambeyntii, taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in kulamada uu la yeeshay saraakiisha Galmudug iyo Puntland ay uga wada hadleen nabad-gelyada iyo sidii ciidamada door muuqata uga qaadan lahaayeen.

The post Taliye Bashir oo la kulmay saraakiisha amniga Galkacayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this