Deeq A. Posted February 1, 2019 Wanlaweyn (Sh.M.Network) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay qarax askar ka tirsan dowlada lagula eegtay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. War qoraal ah oo ay Shabaab ku daabacday baraha ay ku leedahay Internet-ka ay ku xustay inay afar askari ku dishay weerarka. Ma jiro illaa iyo haatan mas’uul ka tirsan maamulka degmada ama gobolka oo illaa iyo haatan ka hadlay sheegashada Al-Shabaab. Inta badan Shabeellaha Hoose waxaa dhacdooyinka noocaan ah, kuwaasi oo lala beegsado Kolanyada ay la socdeen ciidamada xooga iyo kuwa AMISOM. The post Al-Shabaab oo sheegatay inay qarax ku dishay 4 Askari appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites