Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf soo kala dhex-galay mas’uuliyiin ka tirsan G/Hiiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (Sh.M.Network) – Cabdullaahi Cusmaan Cariig, xoghayaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay inuu khilaaf kala dhaxeeyo gudoomiyaha gobolkaasi, Yuusuf Axmed Hagar.

Mr Cariig ayaa wariyaasha u sheegay in khilaafka uu yimid markii ciidamo uu tilmaamay inay ka amar-qaataan Gudoomiye Yuusuf oo yimid xafiiskiisa ay hakad geliyeen shaqadii ka socotay halkaasi.

Gudoomiye Yuusuf oo ay la xiriirtay idaacada Shabelle si aan wax uga waydiinayo arrintaan ayaa nan ka jawaabin telafoonka.

Is-qabqabsiga udhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan ayaa looga fadhiyaa inay soo farageliyaan madaxda ugu sareysa HirShabelle gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha si xal waara loogu helo.

The post Khilaaf soo kala dhex-galay mas’uuliyiin ka tirsan G/Hiiran appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this