Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay yihiin caqabadaha cusub ee Saciid Deni ka hor taagan magacaabista golaha wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Puntland durba culees uu ka dareemay soo xulista golaha wasiirada Puntland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay caqabad culus ku noqdaan madaxweynaha cusub ee Puntland, iyaga oo doonaya in doorweyn ay ku lahaadaan la tashiyada iyo soo xulista golaha wasiirada Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxdii hore ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka qaarkood, isaga oo kala hadlayay nooca ay noqonayaan golaha wasiirada cusub ee Puntland.

Qaar kamid ah odayaasha ayaa doonaya in shaqsiyaad ay iyaga taageersan yihiin lagu daro golaha wasiirada cusub ee Puntand, waana taa caqabada ugu adag ee dhextaala odayaasha dhaqanka iyo madaxweynaha Puntland.

Waxgaradka ku sugan magaalada Garowe ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay kulamo ka dhacay madaxtooyada ay u muuqdeen kuwo tanaasulaad badan laga sameeyay waxyaabaha la isku hayay.

Madaxweynaha Puntland ayaa heysta waqti badan oo uu kaga fakari karo liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland, waxaana jira in qaar kamid ah wasiiradii C/Welli Gaas ay doonayaan inay markale soo noqdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this