Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish oo cabsi darteed amaro ugu soo rogay shacabka degmada Qandala

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan deegaanada ay kooxda Daacish ka maamulaan gobolka Bari, gaar ahaan buuraha degmada Qandala.

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay amaro cusub kusoo rogtay shacabka iyo gaadiidleyda ka howlgasha deegaankaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Kooxda Daacish ayaa ku amartay dadka deegaanka inaan lagu arki karin hub aysan iyaga ka warqabin, ciddii lagu arkaana ay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Sidoo kale waxaa loo hanjabay gaadiidleyda bagaashka geeya degmada Qandala, iyaga oo looga digay inaysan hub iyo shaqsiyaad aan la aqoon geyn karin degmada Qandala iyo deegaanada hoostaga.

Wararka ayaa sheegaya in arintaasi ay ka dambeysay cabsi xoogan oo kooxda soo wajahday, taasi oo la xiriirta in Al shabaab ku dhex dhuuntaan gaadiidka, islamarkaana ay weeraraan Kooxda Daacish.

Kooxda ayaa la sheegay inay baaritaan ku sameeyaan dhamaan gaadiidka gala gudaha degmada Qandala iyo deegaanada hoostaga, waxaana jirta cabsi xoogan oo ay ka qabaa in Al shabaab ay weeraraan degmada Qandala.

Al shabaab iyo daacish ayaa marar badan dagaalo waxay ku dhexmareen deegaanada gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this