Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorma ayuu Lafta Gareen ku dhawaaqayaa golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koofur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaaladii ugu dambeeyay ee ka socday magaalada Baydhabo oo lagu soo dhisayo golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed.

Maalmaha soo socdo ayaa la sheeciyay in lagu dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed, kadib wadatashi dheer oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa saacadihii ugu dambeeyay xarunta madaxtooyada odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka kula yeeshay wadatashagii ugu dambeeyay.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Koofur Galbeed oo lagu magacaabo Nuuradiin Gacmo ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayso magacaabida golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed.

Afhayeenka ayaa sheegay in wasiirada cusub ay ka duwanaan doonaan wasiiradii hore ee maamulka Koofur Galbeed, waxayna taasi xulideeda dhalisay in wadatashi badan la geliyo xubnaha cusub ee wasiirada kamid noqonaya.

Wuxuu sidoo kale Afhayeenka sheegay in wadatashiyada ay dhamaadeen, islamarkaana kaliya la sugay in la shaaciyo wasiirada Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this