Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Sh.M.Network) – Cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ee hoostaga maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa howlgalo kawada xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay markii xalay weerar Bambaano lagu ekeeyay fariisin ay ciidamada ku leeyihiin xaafada howlwadaag, halkaasi oo baarintaanada si gaar ah looga soo warinayo.

Illo degaanka oo ka ak-dhowaa meesha ay wax ka dhaceen oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa tilmaamaya in ugu yaraan labo askari ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, oo kooxihii ka dambeeyay ay baxsadeen.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaan oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dhacdaan, balse, amaanka magaalada Beledweyne ayaa maalmihii udambeeyay ahaa mid sii xumaanayey, iyada oo hay’adda amnigu ku howlan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen.

The post Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Beledweyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this