Deeq A. Posted February 1, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Midowga Afrika ayaa taliye cusub usoo magacaabay howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM. Taliyaha cusub oo lagu magacaao Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa bedalay Jim Beesigye Owoyesigire jagada hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Tigabu oo udhashay dalka Itoobiya ayaa xilka kula wareegay munaasabad ka qabsoontay xarunta howlgalka ku leeyahay Muqdisho. Mas’uuliyiin uu kamid yahay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Caetano Madeira, ayaa xaflada joogay. The post Midowga Afrika oo taliye cusub u magacaabay AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites