Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalyahanadii ugu badnaa oo hal meel looga dilay Al shabaab kadib markii….

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa warbixin kasoo saartay duqeyn ay la eegteen saldhig Al shabaab ku leeyihiin deegaan ku dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Warbixinta taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ay soo saareen ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Shabeeleey in lagu dilay ciidamadii ugu badnaa Al shabaab looga dilo gobolka Hiiraan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 30 askari ay kaga dhinteen Al shabaab  duqeyn ka dhacday deegaanka SHabeelleey ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay dhamaantood tababar qaadanayeen.

“Dowladda Mareykanka  waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Duqeymaha lala eeganayo saldhigyada Al shabaab ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa kordhay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana qoraalka Mareykanka lagu sheegay inay soo kordhin doonaan weerarada ay la eeganayaan Al shabaab.

Dhamaadkii sanadkii hore maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee jooga Africa inay weeraro ka fulin doonaan deegaanada Al shabaab kaga sugan yihiin Hirshabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this