Deeq A. Posted January 31, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa fahfaahin ka bixiyay duqayn uu ka geystay degaanka Shabeeley ee gobolka Hiiraan, subaxnimadii maanta oo Khamiis ahayd. War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu shaaciyay in weerarka cirka ah ay ku dileen 24 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyaga oo meesha ka saarey inay dad-shacab ah wax ku noqdeen. “Waxaan la safan-nahay DFS iyo caalamka si aan u ilaalino dadka Soomaaliyeed, waan sii wadaynaa duqaymaha ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah ee kasoo horjeeda nabada Somalia,” ayuu yiri sarkaal u hadlay AFRICOM. Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkaan ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee xukuumada Washington, oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al-Shabaab. The post Mareykanka oo ka hadlay duqayn uu ka geystay G/Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites