Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka qof markii la dilay jirkiisa lagu sameeyey wax yaab leh oo lagu arkay Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo yaab leh oo nooceedu ku yar yahay Soomaaliya ayaa lagu arkay magaalada Muqdisho kadib markii qof la dilay balse wixii kadib lagu sameeyey meydkiisa aad looga naxay.

Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay lasoo dhigay meydka qof la dilay kadibna jirkiisa la jar-jaray, sida ay sheegeen dadka xaafadda.

Qofka meydkiisa la helay, oo lagu magacaabay Cali Laami, ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu ka mid ahaa ganacsatada xaafadda Carta ee degmada Heliwaa.

Dad goobjoogeyaal ah oo Caasimada Online la hadlay, ayaa sheegay in markii ay arkeen meydka ay rumeysan yihiin in jirkiisa lagu jar-jaray baangad.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay dilkan iyo sababta loo dilay Cali Laami, kadibna sidan jirkiisa loogu jar-jaray.

Dilalka qorsheysan ee shacabka ayaa ku badan magaalada Muqdisho, hase yeeshee ma dhacdo in qof la dilo kadib meydkiisa la jar-jaro, taasi oo wax ku csub magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this