Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalkii Al-Shabaab iyo Daacish oo dib u billowday, kana socda laba xaafad iyo khasaare gaaray dhinaca…

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyooyinka Daacish iyo Al-Shabaab ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in 24-kii saac ee tagay ay laba dagaal oo kala duwan ka kala dhaceen xaafadaha Dhadaar iyo Sheebaab ee gobolka Bari.

Dagaalka xaafadda Sheebaab ayaa billowday kadib markii dagaalyahanada Daacish ay weerar ku qadaeen xubno Shabaab oo khudbado u jeedinayey dadka xaafadda.

Dagaalkaas ayaa lagu dilay hal dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish, sida ay dadka deegaanka sheegeen. Dagaalka ayaa kadib u durqa dhanka buuraha.

Iska hor-imaad kale ayaa isna ka dhacay xaafadda Dhadaar oo ay soo galeen maleeshiyada Al-Shabaab, ayna billaabeen inay dadka deegaanka weydiiyaan haddii ay arkeen xubno Daacish ah.

Dadka deegaanka oo ku wareersan; yaa Shabaab ah, yaase Daacish ah, ayaa rumeysan inay Daacish laba koox isku qeybiyeen si ay dagaalka u dheereeyaaan.

Xiriirka deegaanadan oo aad u xun darteed, ayaa la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaaladan.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this