Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle iyo sababta ay u beegsatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilka Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle oo saaka lagu toogtay dagmada Xamarweyn ee gobolka Banaadir.

Labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa toogtay Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle, oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka xilli uu dhex marayey suuqa bacadlaha ee dagmada Xamarweyne.

Kooxda Al-Shabaab oo dilka sheegatay ayaa shaaca ka qaaday in Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle uu ahaa gaashaanle sare, sidaas darteedna loo beegsaday.

“Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay sarkaal ka tirsanaa dowladda oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Ciidamada saldhiga dagmada Xamarwenye, ayaa durbaba goobta soo gaaray waxayna ka qaadeen goobta meedkii askarigii, ayagoona ka sameeyay baaritaan nawaaxiga goobtii toogashada ay ka dhacday kaas oo lagu baadigoobayo ragii ka danbeeyay toogashada, balse uma suurta-gelin inay gacanta ku dhigaan..

Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaco magaalada Muqdisho, waxaana aad u adag in la helo dadka arrimahaasi ka dambeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this