Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulufada Sacuudiga Oo U Hanjabay Xuutiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dalka Yemen ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay awood adeegsadaan si ay ugu qasbaan Xuuitiyiinta inay u hogaansamaan xabad joojinta magaalada dekedda leh ee Xudaydah.

F9DF1D6E-2B89-4894-89BD-2F64E1FC57F2_w10

“Si loo ilaaliyo xabad joojinta iyo rajo kasta oo laga qabo hanaan siyaasadeed, QM iyo bulshada caalamka waa inay ku cadaadiyaan Xuutiyiinta inay joojiyaan xadgudubyada, ayna ku dhaqaaqaan ka bixitaanka Xudaydah, sida lagu heshiiyey” Waxaa sidaas yidhi wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash.

Mucaaraadka iyo saraakiisha dowladda ayaa xabad joojinta Xudaydah gaaray bisii December.

Magaalada Xudaydah oo ay mucaaradka maamulaan ayaa ah halka ugu weyn ee dalka Yemen laga geliyo cunnada iyo gargaraka bani’aadannimo ee la gaarsiinayo shacabka ku rafaadsan dalkaas.

Dhammaan dhinacyada ayaa ballan-qaaday inay ciidamadooda kala baxayaan magaalada, hase yeeshee waa ay ka caga jiidayaan inay fuliyaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this