Sign in to follow this  
Deeq A.

Suudaan Oo Dib U Fureysa Xadka Ay La Wadaagto Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Suudaan ayaa dib u fureysaa xadka ay la wadaagto dalka Eritrea kaddib markii sanad ka hor ay xirtay xadka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

52b82665-1fe5-4f90-aedc-7382b28981fd.jpg

Suudaan ayaa ka shakisay in xadka Eritrea looga soo gudbiyo hubka sharci darrada ah.

Madaxweyne Cumar Al bashiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu ku sugnaa magaalada Kisala oo ku taalla bariga Suudaan.

“Waxaan shaaca ka qaadaya anigoo ku sugan magaaladan Kisala, in aan dib u fureyno xadka dalkeenna uu la wadaago Eritrea sababtoo ah waa walaalaheen waana dadkayaga, siyaasaddu nama kala qeybiso” ayuu yidhi Al Bashiir

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this