Deeq A. Posted January 31, 2019 Gaalkacyo(S.M.Network):-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee maamulkaasi Galmudug. Madaxweyne Xaaf iyo wafidga uu hogaaminayay ayaa waxaa soo dhaweeyay duqa magaalada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre iyo qeybaha kale duwan ee bulshada magaaladaasi. Kadib soo dhaweyn balaaran oo loo sameeyay madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiis horudhac ah laga gaaray khilaafki siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxda maaamulada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf iyo wafdigiisa oo ka yimid magaalada Garoowe oo uu uga soo qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub Puntland ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. The post Madaxweynaha Galmudug Oo Gaaray Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites