Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dil Loo Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Milatariga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho(S.M.Network):-Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil maanta loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliyeed,dilkaasi oo ka dhacay degmada Xamarweyne gaar ahaan waaxda Hilaac.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle,waxaana xiliga la dilayay uu ku sugnaa meel ku dhaw hooygiisa.

Dilka Kadib ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay,waxaana ay bilaabeen baaritaan ku aadan cida ka danbeysa dilka Gaashaanle sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle.

Dhanka kale xarakada Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay sarkaalka ka tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliyeed,waxaana ay sheegeen in ay fuliyeen dilkaasi xubno iyaga ka tirsan oo u qaabilsan dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

The post Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dil Loo Geystay Sarkaal Ka Tirsanaa Milatariga Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this