Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Duqeymo Ka Dhacay Qeybo Kamid Ah G/Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hiiraan(S.M.Network):-Gudoomiyaha degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Maxamed Axmed Food Cade oo u waramay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay diyarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Baacyar oo qiyaastii 27 KM dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gudoomiye Food Cade ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarkaasi duqeymaha ah uu ahaa fariisimo Alshabaab ay ku leeyihiin deegaanka Baacyar ee ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamah Soomaaliya.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa diyaarado dagaal oo aan la ogeen halka laga leeyahay waxay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaan dhaca Koonfurta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

The post Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Duqeymo Ka Dhacay Qeybo Kamid Ah G/Hiiraan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this