Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku Dhawaad 20 Ruux Oo Lagu Soo Qabtay Howlgalo Laga Sameeyay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ilaa 17 ruux lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amaanka saakay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Howlgaladan ayaa lagu baadi goobayay shaqsiyaad falal amni daro ah ka geystay degmada Afgooye saacadihii la soo dhaafay.

17-ka ruux ee howlgalka lagu soo qabtay ayaa lagu hayaa saldhiga booliiska degmada Afgooye,waxaana ku socda baaritaano.

Howlgaladan ayaa yimid saacado kadib markii xalay gudaha degmadaasi lagu dilay mid kamid ah odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale waxaa la wareeray fariisimo ciidan iyadoo dhanka kale bom gacmeed lagu tuuray suuqa weyn ee degmada Afgooye.

Laamaha amaanka ayaa shegay in ay baaritaan ugu jiraan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadka ka danbeeya falalkaasi.

Dadka la soo qabtay waxaa sidoo kale ku jira ganacsato suuqa laga soo qabtay oo halkaasi su’aalo lagu weydiinayo.

Amniga degmada Afgooye ayaa dhawaanahan sii xumaanayay,waxaana ka dhacay weeraro iyo dilal kala duwan.

 

The post Ku Dhawaad 20 Ruux Oo Lagu Soo Qabtay Howlgalo Laga Sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this