Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Rosemary A. DiCarlo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta ee Xafiiska Xoghaya Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo.

Madaxweyne farmaajo ayaa uga mahadceliyey taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay DiCarlo ayaa sheegatay in a kaalin hoggaamineed ay ka qaadanayaan jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.

Rosemary DiCarlo, ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Rosemary A. DiCarlo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this