Deeq A. Posted January 31, 2019 Xaaf oo ka degay Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo kamid ahaa madaxdii ka qayb gashay caleema-saarkii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha Galmududg ayaa markii uu tegay Gaalkacyo ka warbixiyay safarkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay kulamadii isdaba jooga ahaa ee madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka ku dhax-maray magaalada Garowe, wuxuuna shacabka reer Gaalkacyo u sheegay in rajo wanaagsan ay kasoo baxeen kulamadaas. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in la isku fahmay in lawada shaqeeyo, dowladda dhexena ay ogolaatay in ay la shaqeyso dowlad goboleedyada, lana xaliyo tabashooyinka ay qabaan, isla markaana labaatanka bisha Saddexaad ee Maarso dib loogu laabto magaalada Garowe ee xarunta Puntland, si loo dhameysto wada hadalada loona xaliyo tabashooyinka jira. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo todobo cisho joogay magaalada Garowe, kulamana la qaatay dad kala duwan ayaa maanta safar cirka ah ku tegay Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Xaaf oo ka hadlay wada hadaladii Garowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites